Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin u direy…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta farriin u direy haweenka Soomaaliyeed, isagoo u diray hambalyo ku aaddan xuska maalinta haweenka adduunka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ee haweenka Soomaaliyeed ay kaga jiraan bulshada, dhaqaalaha dalka iyo samata-bixinta qoyska Soomaaliyeed.

“Dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan leeyahay hambalyo, si gaar aha waxaan ugu hambalyeynaya gabdhaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan ku bogaadinaya dadaalka ay ugu jiraan halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo halganka ay ugu jiraan horumarinta iyo hagaajinta qoyska Soomaaliyeed.”

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ku dheeraaday doorka shariifka ah ee gabdhaha Soomaaliyeed ku leeyihiin gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taasi oo uu si weyn ugu bogaadiyay gabdhaheenna.

“Gabdhaha Soomaaliyeed dagaalka keliya ma ahan ee duruufaha soo wajaha dalka waxay ka qaatan kaalin mug leh. Xurmo gaar ah ayay naga mudan yihiin, maanta waxaa rabaa aniga oo ku hadlaya magaca umadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kan madaxweynaha JFS in aan markale yiraahdo hambalyo.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dadka Soomaaliyeed micnaha aad ugu fadhisaan aad iyo aad ayey u garanayaan. Nolol, sharaf iyo karaamo ayaa ka shaqeysaan ee halka aad joogtan ka wada umadda idinka indho u ah ee guuleysta.”

Hoos ka daawo