Ciidan ka baxsanaya furimaha dagaalka oo xalay sarkaal muhiim ah ku dilay Camaara

Camaara (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsanaa ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa xalay lagu duleedka magalaada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, waxaana dilay askar ka tirsan dowladda.

Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Mustaf Dhoobshaac ayaa dhawaan loo wareejiyey guutada Abuu-dujaana oo fadhi weyn ku leh magalaada Camaara, wuxuuna ahaa taliye urur.

Qaar ka mid ah aakartii uu xukumayey ayaa xalay difaaca ka baxday, waxayna isku dayeen inay baxsadaan, Taliye Mustaf ayaa isku dayey inuu xaliyo askarta gadooday oo difaacooda uu ku celiyo, balse waxay ku fureen rasaas uu u geeriyooday.

Taliye Mustaf ayaa ahaa L/Xidigle ka mid ah saraakiisha ugu firfircooneed ciidankii lagu soo tababaray Eritrea, waxaana loo wareejiyey guutada Abuu-dujaana oo ah ciidan 3 bilood kaliya lagu soo tababaray dalka Uganda.

Meydka sarkaalkaas ayaa isla xalay lageeyey magaalada Wisil ee gobolka Mudug, waxaana lagu guul-dareystay in la qabto askartii ka soo baxsatay difaaca ee dishay Taliyahooda.

Taliye Mustaf Nuur Suudi, oo ku magac dheeraa Mustaf Dhoobshaac, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii lagu soo tababaray dalka Eritrea ee deegaanada badan ka xoreysay argagixisada, waxaana laga jeclaa gudaha ciidanka, balse caawa ayuu ku baxay gacanta ciidankii uu taliyaha u ahaa.

Ciidanka Abuu-Dujaana, waa hal guuto oo dhawaan lagu soo tababaray dalka Uganda, waxay qaateen koorso yar oo 3 bilood ah, waxaana lagu tilmaamaa ciidan aad u fowdo badan.

Dhowr jeer ayey dileen saraakiishooda, kana soo baxeen furimaha dagaalka, iyagoo gadood muujinaya, sarkaal kale oo taliyaha ay xalay dileen ku heyb ahaa ayay hadda ka hor ku dileen deegaanka Masaajid Cali-gaduud ee gobolka Sh/Dhexe.