Biden oo markii labaad laga helay COVID-19 iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaalkiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu khasbay in uu galo karantiil kadib markii labaad muddo 10 maalmood ah laga helay cudurka Covid-19.

Farriin uu soo diray madaxweynaha wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Maamulka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa hakiyey dhammaan booqashooyinkii u qorsheysnaa Madaxweynaha, wuxuuna maalmaha soo socda ka shaqeyn doona guriga.

Sagaal maalmood ka hor ayay aheyd markii feyraskan laga helay, waxaana madaxweynaha lagu daweeyay dawada ka hortegta feyraska ee Paxlovid.

Dhakhaatiirta ayaa rumeysan in Biden uu la il-darnaa xaalad naadir ah oo dib u soo kabasha ah oo lagu arkay bukaanada qaar eek u dhacay Covid-19.

Joe Biden oo 79 jir ah ayaa todobaadkii tagey laga waayey dhowr jeer virus-ka balse dib ugu soo rogaal celiyay shalay, taas oo lagu ogaaday baaris markale lagu sameeyey.