Biden oo qaatay go’aan kasii daraya xiisadda Maxamed bin Salman kala dhaxeysa

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20 ee ka dhacaya Indonesia.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Jimcihii hadalkan u sheegay warfidiyeenka xilli uu Biden kasoo baxay shirka isbedelka cimilada ee Qaramada Midoobay ee COP27 oo socda waddanka Masar.

Xiriirka Biden iyo Maxamed bin Salmaan ayaa sii xummaaday horraantii October markii Sacuudiga iyo ururka OPEC+ ee uu xubinta ka yahay go’aasadeen inay dhimmaan wax soo-saarka shidaalka, xilli Mareykanka uu diidanaa arrintaas, taasi oo dhabar jab ku noqotay dadaalka maamulka Biden ee lagu xakameynayo qiimaha gaaska gudaha iyo sicir bararka Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa kadib wacad ku maray “Inuu jiri doono cawaaqib” ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga go’aankii OPEC+. 

Kooxda OPEC+ oo ka kooban dalalka shidaalka dhoofiya iyo Russia ayaa ku dhowaaqay inay dhimayaan bartilmaameedkooda wax soo-saar kadib toddobaadyo uu Mareykanka waday qalqaalo ah inaysan sidaas sameyn.

Mareykanka ayaa xilligaas ku eedeeyey Sacuudi Carabiya inay isu dhiibtay Ruushka oo kasoo horjeeda in dalalka Reer Galbeedka ay xaddidaan qiimaha shidaalka Ruushka ayaga oo uga jawaabaya duulaanka ay Moscow ku qaaday Ukraine.

Saraakiisha Mareykanka ayaa si qarsoodi ah isugu dayayey inay ka dhaadhiciyaan saaxiibadooda Carabta inay ka tanaasulaan fikradda dhimista soo-saarka, hase yeeshee Amiirka sida aan rasmiga aheyn u xukuma Sacuudi Carabiya ee Maxamed bin Salmaan ayaa laga dhaadhicin waayey.

Bin Salman iyo Biden ayaa intii lagu guda jiray booqasho uu Biden ku tegay Jeddah bishii July waxay isugu dhaceen dhimashadii 2018 ee suxufigii Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post Jamaal Khaashuqji.