DF oo shaacisay tirada iyo xogta akoonada maaliyadeed ee laga xiray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay dowladda xirtay in ka badan 500 oo akoon oo kooxda ay u isticmaali jirtay faafinta aragtideeda xagjirka.

Al-Cadaala ayaa sheegay in akoonada ay dowladda ku guuleysatay inay xirto ay isugu jiraan kuwo ka furna baraha kala duwan ee Facebook, Twitter, Tiktok iyo Telegram.

“Waxaa ku guuleysanay ilihii lagu yaqaanay ee mudada badan ay kala hadli jireen dadka taageersan ama kuwa sida kale wax u faafiya in la xiro, welina howsha waa sii socota,” ayuu yiri.

“Laba nooc ayey isugu jiraan kuwa la beegsaday oo qeybo waa fadhiyo iyaga lagu yaqaan oo noocyo warbaahinood rasmi ah ayna isticmaali jireen, waa kuwa la yaqaano sidooda ayaa u xirnay. Waxa kale oo jiray boqolaal akoono oo lagu furtay magacyo shaqsiyaad kala duwan oo iyagana lagu faafiyo fariimaha argagixisada iyo cabsi galinta.”

Sidoo kale waxa uu xusay inay dowladda ka shaqeynayso sidii ay mareegaha warbaahineed ee Al-Shabaab ay gebi ahaanba u xiri laheyd, maadama ay xiligaan kaliya ka xiran yihiin gudaha dalka oo laga booqan karo dalka dibadiisa.

“Magacyada waa la sameysan karaa, cida dhibta ku qabta in maalin kasta magac cusub abuurto waa iyaga ee inaga ma aha. Meel kasta oo lagu faafiyo farriinta argagixisada waa inoo il iyo aragti oo waa xireyna meeshii aan aragno.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Website-yada gudaha waa ka xirnay banaankana waxaa ka wadna qorshe iyo dadaal oo website-yada waa ka duwan yihiin sida ay u shaqeeyaan baraha kale, iyagana shaqo ayaa ka hayna. Argagixiso gudaha iyo dibadda midna dalkeena awood uma yeelan doono.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inaysan arrimahaan ka laheyn ujeedo caburin ama inay shacabka ka hor istaagan xuquuqda helitaanka wararka iyo xogaha, hase yeeshe ay la-dagaalsan yihiin faafinta fikrada xagjirka ah iyo fariimaha cabsi galinta.