BIIXI oo fasiraad cusub ka bixiyay heshiiska Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo haatan dib ugu laabtay magaalada Hargeysa ayaa faahfaahin dheeraad ah iyo fasiraad ka bixiyay heshiiska muranka dhaliyay ee uu lasoo lagay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in aan la iibin badda, laakiin ay Itoobiya ka kariyeen saldhig milatari, sida uu ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid sharci ah oo lagu jaan gooyay dastuurka iyo shuruucda Somaliland.

“Waxa la yidhi oo aad maqasheen, Somaliland bad ayaa la iibiyay sawmaaha? Saylac ayaa xabashida laga iibiyay saw lama odhan?, dhulka Somaliland lama iibin karo, madaxweynana ma iibin karo, warkaasi waa ka cadawga ee kuwa sidaa lihi hadii loo dhiibo iyaga iibin lahaa” ayuu yidhi madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo sii wata hadalkiisa ayaa waxa uu soo hadal qaaday arrinta aqoonsiga ee ay dadaalka ku bixinayeen 33 sano ee lasoo dhaafay iyo inay Itoobiya ay noqoneyso dalka koowaad ee aqoonsada Somaliland.

“Itoobiya waxay daydayaysay meel ay dajiso ciidamadeeda bada, Somaliland 33 sanno waxay u dadaalaysay in ay hesho dowlada kowaad ee aqoonsata, Itoobiya ayaa maanta kamid ah” ayuu mar kale yidhi muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in uu heshiiskani u furayo in dowladaha caalamku ay maalgashadaan, isla markaana uu usoo hoynayo guul aad u weyn.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Biixi ayaa saxiixa heshiiskaas ka sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed 20 km ah oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Si kastaba, Heshiiska Addis Ababa ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Somalia.