BIIXI oo ku dhawaaqay ‘guddi heer qaran’ ah oo ka hortaga Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto Madaxweyne ku magacaabay Guddida heer qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga xanuuunka Coronavirus.

Guddigan oo ka kooban Shan xubnood oo golaha wasiirada xukuumada Biixi ayaa waxa ay qeyb ka noqon doona dadaalada ay Somaliland ugu jirto ka hortaga fayruska halista badan ee sida xawliga ugu faafaya dunida.

Guddigan u diyaar-garowga iyo ka hortaga fayruska Corona ayaa waxa uu ku soo aadaya xili shalay laga helay Kiisas la xiriira caabuqaasi dalalka Kenya iyo Itoobiya oo xiriir weyni kala dhaxeeyo Somaliland.

Waxayna u dhigneyd wareegtada Madaxweynuhu sidan:Wareegto Madaxweyne

Ku: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ujeeddo: Magacaabid Guddi
Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, waxa aynu Qaran ahaan hore u qaaday tallaabooyin aynu kaga hor-tagayno xanuunka saf-marka noqday, adduunkana ku sii faafaya ee Coronavirus (Covid-19).

Waxa aynu abaabul xooggan iyo heeganba galinnay Shaqaalaha Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka oo baadhitaanno iyo hubin ka bilaabay dhammaan Madaarrada diyaaradaha, Dekedaha iyo xuduudaha dalka laga soo galo. Hase yeeshee, waxa loo baahan yahay dadaal, diyaar-garaw iyo ka-hor-tag intaa ka badan.

Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Heer Qaran ee U-diyaar-garawga iyo Ka-hor-tagga Xanuunka Coronavirus (Covid-19), waxaana xidhiidhka wada-shaqaynta Guddida hoggaamin doona Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.

Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil weyn oo culus iska saari doontaan u diyaar-garawga iyo ka hor-tagga xanuunka Coronavirus.