Wariyihii reer Boorama ee ku xirnaa Hargeysa oo ‘dib u helay xoriyadiisa’ maanta

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in goordhoweyd uu dib u helay xoriyadiisa Wariye Ibraahim Suxufi, oo kamida wariyeyaasha ugu cad-cad ee gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama.

Ibraahim Suxufi ayaa muddo 40-saacadood ku xidhnaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa, iyada oo Ciidamada Booliska ee loo yaqaano RRU-du ay habeen hore ka soo qabteen gudaha magaalada Hargeysa.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wariyaha ayaa loo xidhay tuhun aan cadeymo rasmiya loo hayn oo la xiriiray Wararka Jabhadaha Boorama ee gobolka Awdal.

Suxufi ayaa xarunta dambi baarista lagu weydiiyay su’aalo dhowr ah, iyada oo ugu dambeyntiina la ogaaday in wax xidhiidh ah uusan la laheyn tuhunada ay qabeen laamaha amnigu.

Wariyaha ayaa intii uu ku xidhnaa xarunta dambi baarista ee Hargeysa, aan loo ogolaan in wax xidhiidh ah uu la sameeyo eheladiisa iyo weliba asxaabtiisaba.

Mana jiro war rasmi ah oo ay Laamaha amnigu ka soo saareen Xadhiga iyo Siideynta Wariyahan reer Boorama ee Ciidamada RRU-du ka soo qabteen gudaha magaalada Hargeysa.

Ibraahim Suxufi ayaa ah Mas’uul ka howl-gala Tv-ga Rayo ee magaalada Boorama, isagoona hore uga soo shaqeeyay Telefishano kale oo Soomaalida ah.

Sidoo kale Wariyuhu waxa uu yahay Barre dhiga culuumta Saxaafada, kaasi oo ka dhiga Machad saxaafada lagu barto oo ku yaala magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Ibraahim ayaa waxa kale oo uu barre ka yahay Dugsiga sarre ee Ardaale, oo kamid ah iskuulada dowliga ah ee wasaarada waxbarashada Somaliland ay gacanta ku hayso.