Dowlada Ethiopia oo diiday cadaadiska Mareykanka iyo xiisada Masar oo ka dartay

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ethiopia ayaa diiday cadaadiska Mareykanka ee ah inay dalalka Masar iyo Sudan heshiis kala gaarto biyo-xireenkeeda muranka dhaliyey ee ay ka sameyneyso webiga Nile, waxaa sidaas sheegay wasiirka arimaha dibedda Ethiopia.

Wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Associated Press, ayaa Gedu Andargachew waxa uu ku sheegay in saddexda dal looga baahan yahay inay khilaafkooda xaliyaan, ayada oo aysan soo faro-gelin cadaadisyo dibedda ah.

“Wada-hadalladii lagu qabtay Wahsington DC bartamihii Febraayo, waxaa nalagu cadaadiyey inaan deg deg heshiis u saxiixno, ka hor inta aan la xalin arrimaha taagan,” ayuu yiri Gedu, oo intaas ku daray in wafdigiisa ay saraakiisha Mareykanka u sheegeen inaysan heshiis ku saxiixeyn cadaadiska noocaas ah.

“Kadib saraakiisha Mareykanka waxay diyaariyeen oo ay noo soo direen heshiis, kaasi oo sidoo kale aan diidnay sababtoo ah Mareykanka wuxuu lahaa kaalin kor joogto oo kali ah,” ayuu yiri.

“Waxaan aaminsannahay in heshiis kasta oo la gaaro ayada oo cadaadis uu jiro uusan dan ugu jirin dhinac kasta oo qeyb ka ah wada-hadallada.”

Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda iyo is-marin waaga Ethiopia iyo Masar, oo salka ku haysa biyo-xireenka dib-u-curashada weyn ee Ethiopia ee GERD, oo ay ku kaceyso lacag dhan 4.6 bilyan oo dollar, kaasi oo Ethiopia ay ku dhiseyso webiga Nile.

Ethiopia ayaa sheegtay in biyo-xireenka – oo noqon doona warshadda ugu weyn Afrika ee koronto ka dhalisa biyaha – uu muhiim u yahay dhaqaalaheeda.

Hase yeeshee Masar ayaa ka cabsi qabta in mashruucan uu waxyeeleyn karo webigan oo 90% soo saara biyaha laga cabo dalkaas.

Xiisadda ayaa kasii dartay kadib markii Addis Ababa ay ka baaqatay wareegii ugu dambeeyey ee wada-hadallada ee 26-kii Febraayo lagu qabtay magaalada Washington, ayada oo sheegtay inay u baahan wada-tashi dheeri ah.

Kadib markii Ethiopia aysan ka qeyb-galin kulankii Washington, wasaaradda arrimaha dibdda Masar ayaa cambaareysay waxa ay ugu yeertay “maqnaanshaha aan cudurdaarka lahayn ee Ethiopia ee marxalad muhiim u ahayd wada-hadallada.”

“Masar waxay adeegsan doontaa wax kasta oo ay awooddo oo ay ku difaaceyso danta dadkeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la rumeysan yahay in xiisaddan uu kula safan yahay Masar.