Ammaanka Garoowe oo la adkeeyey iyo wararkii ugu dambeeyey shirka Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Qaban qaabadii ugu dambeysay ee shirweynaha Puntland ayaa ka socota magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, kaas oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo Axada beri ah oo ay ku beegan tahay 15-ka bisha March, 2020-ka

Shirka oo ah mid wadatashi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya saamileyda Puntland, waxgarad iyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.

Wufuud kala duwan oo ay ka mid yihiin Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdiweli Gaas oo shirkaas ka qeyb galaya ayaa haatan ku sugan magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda magaaladaasi ay gaaraan wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka oo deegaan doorashadoodu ay tahay Puntland.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka muhiimka ah, magaalada Garoowe ee caasimada gobolka Nugaal.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa horay u sheegtay in shirkaan lagu miisaami doono doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya.

Shirweynahaani ayaa waxaa iclaamiyey Deni, wuxuuna ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf xoogan oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo Puntland.