Ninka ay guursatay Ilhaan Cumar oo la sheegay inuu DIINTA ISLAAMKA qaatay

Washington (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, lagana soo doorta gobolka Minnesota ayaa sheegay in ninka ay guursatay ee Tim Mynett uu diinta Islaamka qaatay.

Ilhaan ayaa dhowaan barteeda Instagram-ka soo dhigtay sawir iyada iyo seygeed cusub, Tim Mynett, iyadoo ku qortay: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, waa barako, Alxamdulilaah,”

Hase yeeshee, waxaa taas ka dhalatay dood weyn iyo dhalleeceyn ay kala kulantay Soomaalida qaarkood, oo ku eedeeyey inay guursatay nin aan Muslim ahayn.

Si kastaba, afhayeen u hadlay Ilhaan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa BBC-da u sheegay in Tim Mynett uu qaatay diinta Islaamka.

“Waxaan kuu xaqiijinayaa in ay isku guursadeen hab waafaqasan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhaan na uu qaatay diinta Islaamka”, ayuu yiri Jeremy.

Jeremy ayaa sidoo kale ka gaabsaday in uu BBC-da la wadaago haddii uu jiro magaca uu la baxay seyga cusub ee Ilhaan Cumar iyo xilliga uu qaatay diinta Islaamka.

Si kastaba, waxaa xusid mudan in markii ugu horreysay ee xiriirka Ilhaan iyo Tim uu billowday, oo warbaahinta ay ka war heshay ay weli xaas u ahayd ninkeedii hore ee Axmed Xersi, ayada oo dhowr mar lasoo sawiray ayaga oo wada socda.