Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan muhiima la qaatay culimada waa weyn ee Somaliland.
Kulankaan oo daaranaa duco iyo sagootin ay madaxweyne Muuse Biixi ugu yimaadeen culimadii ay soo wada shaqeeyeen mudadii uu xilka hayey.
Mudane Biixi ayaa culimada uga mahad-naqay sidii hufnayd ee ay ula soo shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, iyaga oo culimaduna dhankooda madaxweynaha uga mahad-celiyay xidhiidhkii hufnaa iyo sidii uu kaalintooda culimonimo ugu qaddariyey intii lagu gudo jirey muddo xileedkiisa.
Madaxweynaha xilka kasii degaya oo maalmihii dambe kulamo sagootin ah waday, ayaa shalay guddoomiyey shirkii u dambeeyay ee golaha wasiirada Somaliland, kaasi oo looga dooday qodobbo kala duwan oo ku saabsan xaaladda guud ee Somaliland.
Golaha ayaa bogaadiyey, soona dhaweeyey sumcadda iyo guusha ay soo hooyeen doorashooyinkii hufnaa ee dalka ka qabsoomay ee xukuumaddu gadh-wadeenka ka ahayd oo sare u qaaday maqaamkii Iyo sharaftii ay Somaliland dunida ku lahayd.
Biixi ayaa sidoo kale guul weyn oo taariikhi ah ku tilmaamay sharafta iyo sumcadda ay doorashooyinkii isa saarnaa oo kharashkii ku baxayey 90% dusha u ridatay usoo hooyeen Somaliland iyo shacabkeedaba.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo looga adkaaday doorashadii 13-kii November ee 2024 ka dhacday Somaliland ayaa hambalyeeyey madaxweynaha dooran ee Cabdiraxmaan Cirro, waxaana la filayaa inuu xilka wareejiyo toddobaadka soo aadan.