Biixi oo shaaciyey ‘cabsi iyo wal-wal baahsan’ oo ay ka qabaan Coronavirus

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo maanta Warbaahinta kula hadlayey qasriga Madaxtooyada, ayaa si gaar ah uga hadlay fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Corona.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa warbixin dheer oo ku saabsan baadhitaanada ku aadan Fayruska Corona ka hor-jeediyey warbaahinta, isagoona xusay in ilaa hadda uusan jirin Kiis ku aadan caabuqaasi oo laga helay Somaliland.

Meelaha baadhitaanada laga sameeyay ayuu ku sheegay xuduudaha Somaliland laga soo galo, sida; deegaanada Tukaraq, Yubube, Dhahar, Wajaale, Berbera, lowya-Cadde iyo weliba madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in arrinta Caabuqan ay wal-wal badan ka qabaan, maadama uu aad u fidayo, isla markaana Kiisas cusub laga helay wadamada Itoobiya iyo Kenya, oo xiriir dhinacyo badan ah uu kala dhaxeeyo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in loo hogaansamo awaamiirta iyo talooyinka Wasaarada caafimaadka Somaliland, oo ku aadan ka hortaga caabuqa Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyey inay wajahayaan xaalad adag, oo wal-walkeeda leh, isla markaana loo baahan yahay in la muujiyo feejignaan dheeriya oo ku aadan sidii loogu hortagi lahaa in gudaha Somaliland u soo galo fayruskaasi.

Ugu dambeyntiina madaxweynaha ayaa fariin gaar ah u diray Culimada, isagoona faray inay qeybtooda ka qaataan wacyi-gelinta caabuqan, isla markaana ka fogaadaan waxyaabaha aan loo meel dayin.

Madaxweynaha Somaliland marna ma soo hadal qaadin talaabo ka dhan Qaad-ka uga yimaada Itoobiya iyo waxa laga yeelayo, balse waxa uu ku baaqay in la yareeyo goobaha la iskugu yimaado ee lagu qayilo.