BIIXI oo soo bandhigay hal arrin oo suurta-galinaysa in doorashooyinku qabsoomaan

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, isagoona shaaciyey siday waqtigeeda ugu qabsoomi karto doorashada Somaliland oo waqti kooban ka hadhay qabsoomideeda.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in xisbiyadu ay ka tanaasulan waqti xaadirkan go’aankooda ku aadana in la kordhiyo Guddiga doorashooyinka, taasi oo ku tilmaamay mid suurto-gelinaysa inay waqtigeeda ku qabsoomto doorashadu.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaysan macquul aheyn in xiligan wax ka badal lagu sameeyo Guddiga doorashooyinka, wuxuuna yiri

“Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bisha Augost (Siddeedaad) tobankeeda haddii ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida, caawana waxa aynnu joognaa 20-kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kordhiyo iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo”.

Wuxuuna intaas ku sii daray “Waxan leeyahay laba hala kordhiyo oo imika sharcigeedii hala bilaabo macquul ma ahee sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka dhammaynonna aynnu kordhinno labada”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com