Hub fara badan iyo lacago lagu qabtay is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya

Jigjiga (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa warbaahinta u soo bandhigay hub fara badan iyo lacago sharci darro oo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Booliska ee ismaamulkaasi.

Hubka iyo lacagtani ayey ciidamadu ku soo qabteen howlagllo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska  ee dowlad deegaanka Zakariye Cabdi Khaliif  ayaa hubka ay soo qabteen  tiradooda ku sheegay 3040 (saddex kun iyo afartan Qori) oo ay ka mid yihiin 20 qoryaha Machine-gunska loo yaqaan iyo nooca kale ee RPG-ga oo tiro badan.

Sidoo kale lacagta ayuu sheegay inay ka badan tahay $10,000 (Toban Kun) oo doollarka Mareykanka ah.

Zakariye ma shaacin in dad ay ku soo qab qabteen howlgalladaasi, balse wuxuu tilmaamay in ay sii wadi doonaan baaritaanadooda.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan afgambi dhicisoobay uu ka dhacay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Qalalaaso ka dhacay gobolkaasi bishii hore ayaa waxaa lagu dilay taliyihii Ciidamada Itoobiya iyo Madaxweynihii maamulka Amxaarada Dr. Ambachew Mekonnen.

Dowladda federaalka Itoobiya iyo maamullada hoostaga ayaa waxaa tan iyo markaasi kadib ay ku dhaqaaqeen howlgallo lagu soo qabtay hub, kuwaas oo laga sameeyey gobollada Oromada, Amxaarada iyo Cafarta ee dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
caasimada@live.com