Bin Salmaan iyo Bin Zayed oo arrin lama filaan ah ku sameeyey JOE BIDEN

Riyadh (Caasimada Online) – Hogaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddo dhowr toddobaad ah diidan inay taleefonka ka qabtaan Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, sida uu qoray Wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya mas’uuliyiin ku sugan Bariga Dhexe iyo Mareykanka.

Farriimaha qanacsanaan la’aanta oo ay direen Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka Carabta Shiekh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, ayaa ku soo aadaya iyadoo labada hoggaamiye ay wadaagaan walaaca ku aadan jawaabta Mareykanka ee gantaalada iyo duqeymaha loo adeegsaday Drones-ka ee lagu qaaday Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay sheegteen Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan ee Yemen.

Labada dal ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ka niyad jabsan yihiin xaaladda wada xaajoodka ee heshiiska Nukliyeerka ee Iran ee u dhow in isfaham laga gaaro, sida uu sheegay wargeyska Wall Street Journal.

Madaxa International Atomic Energy Agency (IAEA), Rafael Grossi ayaa sheegay in heshiiska Nukliyeerka ee Iran uusan khuseyn danaha ammaanka ee dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka, wuxuuna heshiiskaas ku tilmaamay mid adag.

Mareykanka ayaa dadaal ugu jiray sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka uu la leeyahay labadaan dal, isagoo u muuqda inuu yareenayo xiisadda shidaalka caalamka kadib markii madaxweyne Biden uu Talaadadii ku dhawaaqay mamnuucida soo dejinta saliida Ruushka, iyadoo qiimaha gaasku uu gaaray heerkii ugu sareeyay abid caalamka oo dhan.

“Waxaa jirtay xoogaa rajo ah oo laga qabay inay taleefoonka ku wada-hadlaan Biden iyo Mohamed Bin Salman, si diirada loo saaro dajinta xiisadda saliida, balse ma dhicin,” waxaa sidaas wargeyska WSJ u sheegay illo wareedyo ku sugan Mareykanka.

Mareykanka ayaa doonaya in la abuuro isbaheysi mideysan oo dhanka Saliida ah oo ka dhan ah Ruushka, iyadoo lagu ciqaabayo weerarka uu ku qaaday Ukraine.

Sacuudiga ayaa in muddo ah ka niyad jabsanaa xiriirkooda sii xumaanaya ee kala dhaxeeya Mareykanka tan iyo markii Biden loo dhaariyay xilka, sida lagu sheegay warbixinta.

Sacuudiga ayaa dowladda Mareykanka ka doonaya inay taageero dheeri ah ku siiso dagaalka Yemen iyo inay ka caawiso barnaamijkooda Nukliyeerka ee rayidka ah.

Sidoo kale Sacuudiga ayaa Mareykanka ka raba in loo caddeeyo mowqifka sharciga ah ee uu Mareykanka ka taagan yahay dacwadda laga soo gudbiyey Maxamed Bin Salman ee la xiriirta dilkii Weriye Jamal Khashoggi.

Wareysi uu siiyay wargeyska The Atlantic horaantii bishaan, dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayuu kaga hadlay xiriirka isaga iyo Biden, isagoo sheegay “in uusan dan ka lahayn haddii Biden uu khalad ka fahansan yahay waxyaabaha isaga ku saabsan iyo haddii kale.’

Sidoo kale, Bin Salman ayaa yiri, “Waxaa waajib ku ah Biden inuu ka shaqeeyo danaha Mareykanka,” isagoo intaas kusii daray in uusan xaq u laheyn inuu hadal u jeediyo dadka Mareykanka, sidaas oo kalena laga rabo Biden.

Amiirka dhaxal-sugaha ah ayaa sidoo kale ku adkeystay inay Riyadh diyaar u tahay inay ilaaliso xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya dowladda Mareykanka.