Bin Salmaan waxa uu Israel ku jeclaaday sababahan

Dhaxal Sugaha Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan waxa uu aaminsan yahay in Israel ay meteleyso dal aan Carab ahayn oo muhiim u ah sida aragtidiisa ah in gobolka is dhexgalo, waxaa qortay jariidadda Jerusalem Post.

Bin Salmaan waxa ay isaga u tahay, isaga oo dareensan xiisadda taariikh ahaan kacsan ee gobolka, in Israel muujisay iyada oo adeegsaneysa awoodeeda iyo go’aamadeeda ka dhanka ah cadawgeeda, in ay tahay saaxiib la’isku haleyn karo marka uu la tacaalayo cadawgiisa.

In dalka sidaas u yar badbaado isaga oo ku dhex jira dagaal heerka xagjirnimadiisa aad u sarreeyo ee uu kala kulmo quwadaha dariska la ah waxa ay horseeday in ay Carabtu marna jeclaadaan, marna naceyb u qaadaan Israel.

Bin Salmaan, oo ah mid waaqici ah, waxa uu jeclaaday ruuxiyadda dowladda Yuhuudda, waxa uuna raadinayaa qaabab uu isugu xiro awoodaas oo uu uga faa’ideysto siyaasaddiisa ku salaysan naceybka, iyo aragtida siyaasadeed ee Islamka ee gobolka.

Taas waxaa dheer, in uu jiro dareen lagu jeclaaday Yuhuuda, sida uu aaminsan yahay Bin Salmaan, oo ah in dowladooda ay tahay midda kaliya ee Bariga Dhexe ee haysata rikoor ay uga guuleysato cadawgeeda xataa haddii ay ahaan lahayd adeegsiga weerarro iyo cudud Militari iyada oo aan dhag u dhigin cambaareynta caalamka. Duqeymihii ay dhawaan ka gaysatay xarumaha Iran ee dalka Suuriya iyo dagaalkii lixda cisho ayaa tusaalooyin muuqda u ah.

Sida ay leedahay Jerusalem Post, aragti kale ayaa ah in xiriirka saaxiibtinimo ee Sucuudiga iyo Israel ku koray in uu sabab u yahay Ra’isul Wasaare Benjamin Netanyahu. Netanyahu waxa uu ku guuleystay in uu bedelo sumcad xumadii uu ku lahaa caasimadaha Carabta ee uu abuurtay sagaashameeyadii, halkaas oo looga arki jiray mid aan la’isku halayn karin, khalkhal badan, kana tirsan midigta fog ee xagjirada ah, waxa uu noqday hoggaamiye la’aamini karo.

Jerusalem Post aya atiri “Waxaa xaqiiqo ah in Netanyahu kasbaday xushmad weyn oo uu ka helay hoggaamiyeyaasha Carabta oo uusan helin Ra’isul Wasaare kale oo Israel ah 70-kii sano ee u dambeeyey”

Go’aanada adag ee uu Netanyahu ka istaagay Sunniyiinta iyo Shiicada iyo sidii uu diyaarka ugu ahaa in uu iska caabbiyo cadaadiskii Mareykanka xilligii Obama ayuu ku helay xushamadda Bin Salmaan.

Dhaxal Sugaha waxa uu sidoo kale u riyaaqay is bedelka aan ku imaan Netanyahu, oo taageero u muujiyey Bin Salmaan, xilli uu qudhiisa wajahayo cadaadis uga imaanaya Mareykanka iyo beesha caalamka kaddib dilkii Khashoggi.

Kalgaceylka uu Maxamed Bin Salmaan u qaaday Israel iyo Ra’iisul Wasaareheeda, waa dareen xooggan oo uu kaga aargoosanayo Turkiga iyo Siyaasaddiisa Islam-ka ku wajahan xilli uu doonayo in uu qaboojiyo cabsida ay Iran ku hayso Sucuudiga, taas waxa ay u muuqataa mid Bin Salmaan ku dhiirigalineysa in uu hore u sii wado oo uu sii raadiyo qaabab uu ku dhiso xiriir dhaw uu la yeesho dowladda Yuhuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
casimada@live.com