BF oo miisaaniyadda 2019 maanta go’aan ka gaaraya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta kulan muhiim u ah shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan ku yeelanaya magaalada Muqdisho, kadib markii shalay la hor geeyay miisaaniyadda lagu shaqeyn doono sanadka 2019.

Inkastoo Qorsheyaal badan ay horyaalaan xildhibaanada baarlamaanka haddana qodobka ugu muhiimsan ayaa ah inay maanta cod gacantaag ah ku ansixiyaan miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019, waxaana sanadkaan ku jirta mushaaraadka shaqaalo badan oo dowladda ka tirsan.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Maalintii shalay xildhibaanada baarlamaanka ayaa dood ka yeeshay miisaaniyadda sanadka 2019, waxaana xildhibaano badan ay soo jeediyeen in dhaqaalaha lagu daro shaqaaleysiinta sanadka 2019.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda joojisay inay shaqaalo cusub qaadato, waxaana sida xogaha aan ku heleyno la qaatay go’aan ah in mushaari laga dhigo dhamaan shaqaalaha dowladda ee hadda aan mushaaraadka qaadan.

La soco go’aanka xildhibaanada ka qaataan Miisaaniyadda

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com