Musharixiinta Puntland oo madaxweyne C/Weli Gaas ugu heshiiyey si hoose

Garowe (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Garowe ayaa sheegaya in kulamo gaar gaar ah ay yeesheen qaar kamid ah musharixiinta maamulka Puntland, iyaga oo ka arinsaday doorashada maalmo kadib ka dhaceyso Garowe.

Xogo aan heleyno ayaa sheegayaa in musharixiinta Puntland oo gaaraya ilaa 7 Musharax ay yeesheen kulan gaar ah, kaasi oo ay ugu midoobayaan doorashada dhawaan ka dhaceysa magaalada Garowe.

Todobada Musharax ayaa la sheegay inay ku heshiiyaan inay doorashada wareegyada ugu dambeeya ay codadkooda siiyaan musharaxa ugu codadka badan ee iyaga kasoo dhex baxa.

Ujeedada ugu weyn ee Musharixiinta ay u heshiiyeen ayaa wararka waxay sheegayaan inau tahay in Madaxweyne Gaas ay kaga guuleystaan sidii uu markale ugu soo laaban laheyn xilka madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale waxaan ka maqnayn heshiiskani dowladda federaalka Soomaaliya oo u balanqaaday musharaxiintani in ay si dhow ula shaqeyn doonto xiliga doorashada marka ay guulaystaanba si meesha looga saaro madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa dareemaya culeesaad badan, waxaana uu gabi ahaanba joojiyay in shaqaalaha dowladda ay tagaan deegaanada Puntland, isagoo ciidamo dhigay garoomada diyaaradaha ee Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com