Bin Salman oo $10 bilyan ku yaboohay qorshe yaab leh oo ka dhan ah Qudus

Ramallah (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa madaxweynaha maamulka Falastiin Mahmoud Abbas u yaboohay 10 bilyan oo dollar si uu aqbalo qorshaha Mareykanka ee loogu magac daray “heshiiska qarniga”, kaasi oo si rasmi ah magaalada Qudus ku wareejinaya Yahuudda, waxaa sidaas wariyey wargeyska Al-Akhbaar ee dalka Lebanon.

Wargeyska ayaa weriyey in kulan dhex maray Abbas iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Mohammed Bin Salman loogu soo bandhigay hoggaamiyaha Faalstiiniyiinta faah-faahin ku saabsan heshiiska Mareykanka, loogana codsaday inuu aqbalo.

Sida warbixinta ay tiri, Bin Salman ayaa weydiiyey Abbas “Waa imisa miisaaniyadda dadka kugu hareereysan sanadkii? Abbas ayaa kadib ku jawaabay “Ma ahi amiir, si aan u yeesho dad igu hareereysan.”

Bin Salman ayaa kadib u yaboohay 10 bilyan oo dollar muddo 10 sano ah, haddii uu aqbalo qorshaha Mareykanka oo ay ku jirto in dowladda Falastiin ay ka guurto magaalada Jerusalem, islamarkaana xarun ka dhigato Abu Dis.

Abbas ayaa la sheegay inuu diiday yabooha Bin Salamn kuna qeexay “dhammaadka noloshayda siyaasadeed”

Saraakiisha Falastiin ee  ku sugan magaalada Ramallah ayaa diiday inay ka jawaabaan shaac kaa qaadista arrintan.

Qorshaha Mareykanka oo aan weli si rasmi ah loo ogeyn ayaa wiilka uu sodogga u yahay Trump ee Jared Kushner waxa uu sheegay in shaaca laga qaadi doono kadib bisha Ramadan. Waxaa aad loo rumeysan yahay in qorshahan ay qeyb ka tahay in Falastiiniyiinta ay ka tanaasulaan magaalada Qudus, laguna wareejiyo Yahuudda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horey Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Yahuudda.

Caasimada Online
Xafiiska Qaahira
caasimada@live.com