Puntland oo joojisay kulan uu madaxweyne Farmaajo uga qeyb gali lahaa Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa joojiyay kulan dadweyne oo xalay qorshaysnaa in lagu qabto magaalada Garoowe, kaasi oo uu ka qeyb gali lahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Kulankan oo looga hadli lahaa hanaanka doorashada Soomaaliya ee 2021, ayaa waxaa soo qaban qaabisay hay’ada fadhigeedu yahay magaalada Garoowe, oo lagu magacaabo Center for Policy Alternatives.

Xubno ka tirsan hay’addan ayaa laga soo xigtay in mas’uuliyiinta Puntland ay ku war-geliyeen in kulan noocan ah aan lagu qaban karin magaalada Garoowe illaa madaxda Soomaalida ay heshiis rasmi ah ka gaarayaan nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2021.

Ma cadda sababta Puntland ay isugu xireyso kulan iska ra’yi guud ah iyo go’aanada siyaasadeed ee dalka, balse waxaa la rumeysan yahay in Puntland ay isku dayayso inay ka hor-tagtao in saameyn lagu yeesho ra’yiga dadweynaha.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadda uu shir uga socdaa Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada, waxaana qodobka ugu weyn ee horyaalla uu yahay hanaanka doorashada Soomaaliya ee 2021.

Villa Somalia weli kama aysan jawaabin go’aanka Puntland ay ku joojisay kulanka lagu casuumay madaxweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com