Dr. Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar oo olole cajiib ah ka wada Somaliland

Boorama (Caasimada Online) – Siyaasi Cali Khaliif Galeyr ayaa ka wada deegaanada maamulka Somaliland Doodo dad badan tuhunsan yihiin inay saameyn ku yeelan karaan Somaliland.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ka wada deegaanada maamulkaasi doodo ku saabsan in la wada leeyahay Somaliland iyo inkale, waxaana ka qeyb gala dadweyne badan oo ku sugan Somaliland.

Doodahaasi waxaa Cali Khaliif ku wehliya Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi.

Cali Khaliif oo ka qeyb galayay DOOD ku saabsan “Ma lawada leeyahay Somaliland” oo ka dhaceysay magaalada Boorama ayaa sheegay in Somaliland aysan wali noqon dal madax banaan.

Wuxuu soo hadal qaaday markii xorriyadda ay qaateen gobolada waqooyi ee dalka, wuxuuna sheegay in afar maalin kadib markii xoriyadda ay heleen gobolada waqooyi inay ku bireen koofurta Soomaaliya.

Islamarkaana wuxuu sheegay inaysan jirin dowlad aqoonsatay Somaliland markii ay ka xoroobeen gobolada waqooyi, sidoo kalana wuxuu cadeeyay inaysan jirin dowlad ay ictiraaf xiligaasi ay weydiisteen.

Cali Khaliif iyo Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Gobollada Maamulka Somaliland ka wada doodo ay ciwaan uga dhigeen “Somaliland ma lawada leeyahay?”,waxaa ay horay ugu qabteen Magaalada Burco iyaga oo haddana ka wada Boorama.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com