Bogga Jeneraal Odawaa ee FACEBOOK oo la jabsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox burcad dhanka Internet-ka ah ayaa la wareegtay maamulka Barta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu ku leeyahay Facebook, sida ay ku warantay Wakaaladda Wararka Qaranka ee SONNA.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in la jabsaday bartiisii uu ku lahaa Facebook.

“Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu dhammaan bulshada Soomaaliyeed la socodsiinayaa in la jabsaday Page-ka uu Baraha Bulshada ku lahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odawa Yuusuf Raage,” ayaa lagu sheegay warka SONNA.

Warka ayaa lagu yiri “Talisku wuxuu hadda gacanta ku hayaa, sidii uu dib ugu soo celin lahaa maamulka bogga gaarka ah ee Taliyaha, Insha’Allah, marka dib loo soo celiyana dib ayaan idin kala soo wadaagi doonnaa.”

Shirkadda Fadebook ayaa Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kala shaqayn doonto, sidii boggaasi dib loogu soo celin lahaa gacanta Taliska, haddii ciwaankan ay horey shirkadda u xaqiijisay, isla-markaana uu leeyahay calaamadda saxda ah ee buluugga.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii