R/W ROOBLE oo kulamo ka bilaabay Baydhabo + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa maanta kulamo wada-tashi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Rooble ayaa la kulmay saraakiisha laamaha ammaanka, isaga oo ka xog wareystay xaaladaha ammaan ee deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan sidii go’doonka looga qaadi lahaa degmooyinka ay isku hareereeyeen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu ra’iisul wasaaraha warbixin ka siiyeen xaaladaha ciidamada iyo daruufaha ay ka shaqeeyaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu Rooble maanta la ballansan yahay odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo uu kala hadli doono dardar gelinta doorashooyinka iyo xaaladaha bani’aadanimo ee ka dhashay abaaraha ka jira gudaha dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ujeedkiisa ugu weyn ee uu Baydhabo u tegay la xiriira ka qeyb-galka munaasabad lagu xusayo saddex sano guurada kasoo wareegtay doorashadii Cabdicasiis Lafta Gareen.

Dhinaca kale ammaanka Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, iyada oo wufuud kala duwan oo ay ku jiraan madax goboleedyada qaar ay ku wajahan yihiin gudaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Si kastaba, madaxda isugu tegi doonto Baydhabo ayaa sidoo kale la filayaa inay yeeshaan kulamo gaar gaar ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee ka taagan doorashooyinka haatan ka socda dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii