Jaamac Maxamed Askar oo dib loogu doortay BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jaamac Maxamed Askar ayaa markale dib loogu doortay ka mid noqoshada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kadib doorasho maanta ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Askar ayaa ku guuleystay kursiga HOP254, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartamayey ee musharax Aadan Axmed Nuur.

Sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee gobollada waqooyi Jaamac Maxamed Askar ayaa ku soo baxay 99 cod oo gacan taag ah, waxaana dib u doorashadiisa ka aamustay laba qof oo kaliya.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii socota waxaana la guda-galay kuraasta xigta ee loo qorsheeyey in maanta lagu qabto Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso natiijada:-

Doorashada Gollaha Shacabka xildhibaanada gobolada waqooyi Somaliland.

Guddiga maamulka Doorashada kuraasta Gobolada waqooyi Somaliland ayaa maanta qabtay kursiga tirsigiisu yahay HOP#254 oo ay ku tartameen musharixiinta kala ah:

1. Musharax xildhibaan mudane Jaamac Maxamed Askar
2. Musharax xildhibaan Aadan Axmed Nuur Haybe

Musharax xildhibaan mudane Aadan Axmed Nuur ayaa ka tanaasulay tartanka Doorashada.

Natiijada Hordhaca ah waxa kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#254 mudane Jaamac Maxamed Askar oo helay 99 cod oo gacantaaga ah, codadka xumaaday 0, 2 qof ayaa ka aamusay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii