Senate-ka Mareykanka oo ansixiyay in Larry Andre uu noqdo safiirka Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Senate-ka ee dalka Mareykanka ayaa ansixiyay in Ambassador Larry Andre uu noqdo safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsanaa doona Soomaaliya, isagoo bedelaya Danjire Donald Yamamoto oo bilihii u dambeeyey aan shaqeyn.

Larry Andre Safiirka cusub ee Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya ayaa horay u soo noqday Safiirkii Maraykanka u fadhi jiray dalka aan walaalaha nahay ee Djibouti.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bartamihii bishii Abriil Ambassador Larry Andre si rasmi ah ugu magacaabay safiir cusub ee Mareykanka u fadhi doona Soomaaliya, isagoo xiligaas xilkii ka qaaday safiirka muddada dheer dalka u joogay ee Donald Yamamoto.

Madaxweyne Biden ayaa u xushay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya danjire Larry André Jr., oo ah rug caddaa muddo badan ka shaqeynayey diblomaasiyadda. André ayaa ka mid ahaa 9 safiir oo 16-kii Abriil uu magacaabay Joe Biden, kuwaas oo badankood loo magacaabay dalal African ah.

Ambassador Larry Andre mudadaas sugaayey inuu ansixiyo Aqalka Senate-ka Mareykanka, kahor inta uusan la wareegin xafiiska loo magacaabay.

André ayaa ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay 20-kii November2017 illaa 20-kii January 2021, isagoo ka horna ahaa safiirkii Mareykanka ee Mauritania, muddadii u dhaxeysay sanadihii 2014-kii illaa 2017-kii.

Ambassador Larry Andre waa diblomaasi rug caddaa ah, oo diblomaasiyadda ka shaqeynayey tan iyo 1990-kii, wuxuuna kasoo shaqeeyey sagaal howlgal dibadeed oo badankood ah Afrika.

Dadka siyaasadda darsa ayaa rumeysan in magacaabista Larry André ay xilli xun ku imaneyso dowladda federaalka, maadaama uu yahay diblomaasi aaminsan dimoqraadiyadda iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, oo cadaadis badan ay kala kulmi doonto.