Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo ku gacan sayray xil ka-qaadistii Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble ka saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa soo saaray qoraal ay ku sheegeen in go’aanka Ra’iisul wasaaraha uu yahay mid sharci darro ah, isla markaasna baal marsan heshiiska doorashooyinka dalka.

Qoraalka ka soo baxay xubnaha la eryey oo uu ku jiro guddoomiyihii guddiga ayaa ka kooban afar qodob, waxaana lagu yiri, “Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee 2021 waxuu cadeynayaa:”

1 – Inuu aad uga xunyahay warqadda maanta ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha ee u jeedkeedu ahaa xil ka qaadista guddoomiyaha guddiga oo ay wadar ogol u doorteen dhamaan xubnaha guddiga iyo xubnaha kale ee guddiga oo muhiim u ah geedi socodka doorashada dalka, mudo soo shaqeynayey, khibrad iyo aqoon badana leh.

2 – In hanaanka loo maray xil ka qaadista xubnahaas uu yahay mid baal-marsan heshiiskii 17-kii September iyo habraacyadii iyo mabaadi’idii guddigaan lagu aas-aasay.

3 – In hanaanka saxda ah oo ay tahay in loo maro wax ka bedelka xubnaha guddiyada doorashada heerarkooda kala duwan uu noqdo go’aan ay wada gaareen madaxda golaha wadatashiga qaranka.

4 – Inuu si gaar ah uga xunyahay una cambaareynayo guddigu hanaankii argagaxa lahaa ee wasiirka amniga Cabdullahi Maxamed Nuur uu ula dhaqmay xubnaha guddiga, kadib markii uu xarunta guddiga lasoo galay ciidamo hubeysan, isagoo xayiraad, handadaad iyo cagojugleyn u geystay xubnaha guddiga, kuna amray inay hal saac gudihiis uga guuraan xarumahooda, hadii kale ay muteysan doonaan ciqaab xarig ah, taas oo xadgudub ku ah xasaanada xubnaha guddiga, sharaf dhacna ku ah XFS.

Ugu dambeyntii xubnaha qoraalkaan soo saaray ee maanta laga saaray guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa madaxda golaha wadatashiga qaranka ka codsaday inay ilaaliyaan madax-banaanida guddiga.

“Ayna jawaab u dhiganta ka bixiyaan xil ka qaadista sharci darrada ah iyo xad gudubyada lagula kacay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ay soo saareen xubnihii maanta laga saaray guddiga.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta eryey 7 ka mid ah xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, wuxuuna magacaabay toddoba xubnood oo cusub, xubnaha la eryey ayaa lagu eedeeyey inay lumiyeen kalsoonidii lagu qabay, isla markaana ay ku milmeen dhinacyada siyaasadda ee ku loolamayo doorashada dalka.

7-da xubnood ee shaqada laga eryey waxaa kamid ah guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Xuseen Maxamed Maxamuud oo maanta gelinkii hore shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay inay shada kala kulmayaan culeyo siyaasadeed, isagoo golaha wadatashiga qaranka iyo midowga musharaxiinta si isku mid ah uga dalbaday in lagu kalsoonaado howshooda.


Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii