Madaxweyne ku-xigeen maamul goboleed oo si cad u sheegay in doorashada ay boobayaan (Daawo)

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa si cad u sheegay in kursi kasta oo doorashadiisu ay ka dhaceyso Beledweyne ay qof u rabaan.

“Horta anagu dikreeto wax ku soo magacaabi meyno, in waxa socda aan shib ka dhanana ma dhaceyso, laakiin cadaalad darro muuqata oo qabaa’ilka la dhex gelaayo oo dadka banaanka jooga ay arki karaan, ma sameyn doono,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa cadeeyey in dhowrkii musharax ee hal qabiil kasoo wadajeeda ay hal mid ka taageeri doonaan, isla markaana ay wax kasta u huri doonaan in musharaxaasi guuleysto.

“Kursi kasta oo qabiil leeyahay musharaxiin badana ku tartamayaan, qofaan la rabnaahe ogaada, hadaan Alle u diidina, qofka aan u rabno inuu ku guuleystaan rabnahe ogaada,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa dadkii ku soo dhaweeyey Beledweyne ka codsaday in arrintaas lagala shaqeeyo, isagoo u balan qaaday in kursi qabiil leeyahay aan qabiil kale laga sii doonin.

“Gabar ama wiil qabiilka ka mid ah hadii aan kursiga siino yaa nala dhihin kursigii cadaalad darro ayaa lagu sameeyey iyo waa la boobay, boob waxaa la dhahaa kursi qabiil lahaa oo qabiil kale la siiyey, taas ma dhaceyso, anigaa idinka balan qaaday, laakiin anaga qofaan kursiga la rabnaa dadkana anagaa u madax ah,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin cid dhihi karta ama ay ka yeelayaan kursiga qabiilka leh ayaa u tashanaya, “Cid na dhihi karta ma jirto qabiilka ayaa kuriga xaga la tegaaya oo sidey rabaan ka yeelaya, waxaas ma jiraan ee yaan lagu lugo’in,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in boob cad aysan sameyn doonin, balse hadalka Madaxweyne ku xigeenku waxuu bannaanka keenayaa welwelka ay siyaasiyiin badan ka qabaan in la boobo kuraasta doorashadoodu ka dhaceyso magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii