Booliiska MUQDISHO oo soo badbaadiyay gabar yar oo lagu afduubtay dhowaan (ARRIN CUSUB)!

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo badbaadiyen gabar yar oo maalintii Khamiista laga soo qafaashay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, taasoo ay afduubkeedu walaac ka muujiyeen waalidiinteeda.

Gabadha la qafaashay oo ahayd 14 bilood jir, ayaa waxaa laga kaxeystay hoygooda oo ku yaala Warshadda Taraqa iyo Sigaarka, iyadoona lagu heystay goob aan si rasmi ah loo shaacin.

Afduubayaasha oo khadka teleefanka kula soo xiriiray hooyada dhashay gabadhaasi, ayaa waxay weydiisteen inay bixiso madax furasho gaareysa toban kun oo lacagta Mareykanka ($10,000US), haddii ay dooneyso inay dib u hesho cunigteeda yar.

Hooyadaasi oo Booliska Gobolka Banaadir la xiriirtay, ayaa waxay ku wargelisay sida ay wax u jiraan. Booliska oo shalay hawlgal arrintaasi ku aadan waday, ayaa waxaa galabta u suurta gashay inay gacanta ku soo dhigaan afduubayaasha.

Afduubayaasha waxaa xilligan lagu hayaa Saldhiga Booliska Bakaaraha, halkaasoo dib waalidiinta loogu siiyay gabadhoodii yareyd. Waxaana lagu wadaa in Maxkamad la soo horkeeno dembiile-yaasha.

Qaasim Axmed Rooble, Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya oo la hadlay Dhacdo.com, ayaa ku waramaya inay baaritaano ku wadaan raggaasi, isla-markaana ay Sharciga horkeeni doonaan.

Dhacdadaan, ayaa waxaa hadalhaysa bulshada ku nool xaafadaha ku teedsan Warshadda Taraqa & Sigaarka, waxayna ku sheegeen wax ku cusub deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com