“Xasan Sheekh waxa uu ka shaqeynayaa sidii ay ku dagaalami lahaayeen beelaha Soomaaliyeed”

Muqdisho (Caasimada Online) – Suleymaan Cabdi Ciid oo kamid ah Odayaasha ugu magaca dheer Magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in uu aad u dhaliilsan yahay xiisada uu Madaxweyne Xassan ka dhex abuuraayo beelaha Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha uu beel waliba waliba siiyay mudnaan aysan laheyn taasina ay cilad u tahay xasiloonida iminka ka dhex taagan Beelaha walaalaha ah.

“Xaqiiqada markii aan ka hadalno Xassan Sheekh waxa uu dulmiyay beesha Hawiye xuquuqdii aan laheyn waxa uu siiyay beelo kale oo aan inta ku xusi karin hada adeerow maha inuu ku digto dadka”

“Dhaqanada uu lasoo baxay waa mid naxanuunjisay mana aha mid aan qaadan karno in beel xuquuqdooda lasiiyo beel kale”

Suleymaan Cabdi Ciid, waxa uu carabka ku dhuftay in Odayaasha uu ka dhamaaday sabarka, islamarkaana uusan fadhi ku waajibin kaliya ay u harsan tahay in arrimahaani oo idil ay kala hadlaan Madaxweynaha go’aan degdeg ahna kasoo saaran ka hor inta uusan xilka ka degin.

Dhanka kale, waxa uu madaxweynaha ugu baaqay inuusan kala geynin Beelaha, hadii uu taasi ka dhaga adeegana ay qaadi doonaan talaabo ay ku muujinayaan awoodooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com