Booliiska Somalia oo ay ku sii kordhayaa dhalinyaro isku darsaday aqoon iyo darajo ciidan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay qulqulka dhalinyarada heerka Jaamacadeed ee bilihii ugu danbeeyay iska diiwaan galinaayay Booliska Soomaaliyeed.

Generaal Mukhtaar, ayaa sheegay inay sii kordhayaan dhalinyarada ka baxay Jaamacadaha ee qoranaaya Booliska kuwaasi oo lagu qiimeeyo aqoontooda .

Waxa uu ku-simaha sheegaya in Qaran ay muhiim u tahay in la helo dhalinyaro Jaamiciyiin ah oo ka tirsan Booliska, waxa uuna ku baaqay in la muujiyo dhabar adeeg.

Generaal Mukhtaar, ayaa ugu baaqay dhalinyaradda Aqoonyahanada ah ee kusoo biiray Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay u dhabar adeegaan Shaqadda ay doorteen.

Waxaa uu Generaal Mukhtaar, sheegay in ciidamada Booliska Soomaaliyeed aan laga qaadan dhaqaalle badan , balse qofka kusoo biiraya uu doortay in uu u shaqeeyo Qarankiisa.

Sidoo kale, ku-simaha Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Mukhtaar, waxa uu xusay in laga doonaayo in ay si hufan uga adeegaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay noqdaan kuwo ku xiran Alle.

Haddalka Ku-simaha ayaa kusoo beegmaaya xili asbuucyadii ugu danbeeyay uu Taliska ciidanka dalacsiiyay dhalinyaro badan oo kasoo kala baxay Jaamacado kuwaa oo qaatay Darajo laba Xidiglayaal ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com