Garsoorka Somalia oo sii xumeynaya halkii arrin ee laga rabay inuu hagaajiyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya Garsoor xumida ka jirta dalka ee saameynta ba’an ku yeelatay rajadii laga qabay in dalka uu ku xasilo Garsoorka.

Garsoor darada ka jirta dalka ayaa saameysay dhammaan Umadda Soomaaliyeed qeybahooda kala, iyadoo ay jiraan qoysas cadeymo u haya dhibta ay ku qabaan nooca uu yahay Garsoorka Somalia.

Garsoor xumida ka jirta dalka ayaa waxaa loo sababeeyay Aqoon darro iyo Hab qabiil oo loo xulo dadka ku shaqada leh Garsoorka, taa oo keentay inay meesha ka baxdo cadaalada.

Shaqsiyaadka dowlada Federaalka ah ee Somalia ugu magacaaban Garsoorka ayaa waxaa aqoontooda ka hor lagu xulay hanaan qabiil oo la orankaro inay tahay dhibaatada ugu badan ee ka jirta dalka.

Cumar Ibraahim Aadan oo waxbadan ka bartay Garsoorka una waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Garsoorka ka jira Somalia uu yahay mid ay aad u hooseyso cadaaladiisa.

Waxa uu sheegay Cumar Ibraahim Aadan in Garsoorka Somalia uu yahay mid ka duwan kan adduunka intiisa kale looga dhaqmo waxa uuna aad u dhaliilay aqoonta ay leeyihiin dadka ku shaqeeya.

Wuxuu carab dhabay in Garsoorka ceynkaan ah uu sara qaadi karo dhibaato ku saleysan cadaalad daro oo kusii baahda Somalia, hase ahaatee looga badbaadi karo Somalia oo kala saartaa qabiilka iyo Garsoorka.

Sidoo kale, waxa uu Cumar Ibraahim Aadan ku taliyay in Garsoorka Somalia loo madaxbaneeyo dadka ehelka u ah ee aan waxba u arag qabiilka iyo qurunkiisa.

Geesta kale, waxa uu shaqsiyaadka mas’uulka ka ah Garsoorka ugu baaqay inay si daacadnimo leh u hagaan garsoorka, isla markaana kala ilaaliyaan damaca adduun iyo aakhirada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com