FAALLO: TUKA-RAQ, TUULO NASIIB DARAN

Dad badan oo aan xitaa horay u maqal magaca Tuulada ay dirirtu ka dhacday ee Puntland iyo Somaliland ku hardameen ayaa bartay oo ogaaday Juqraafi ahaan halka ay dhacdo tuulada iyo daka ku nool. Tuka-raq waxay ku taal Gobolka Sool ee muranku ka aloosnaa intii ay sameysmeen Soomaaliland oo Jamhuuriyad iskeed u taagan isku magacowday iyo Puntland oo sameysatay Maamul goboleed is maamula.
Tuuladan waxay u dhaxaysaa labada maamul ee aan soo sheegnay, waxayna dhacdaa Bariga gobolka Sool, waxayna ku taal waddo isku xirta Magaalada Laas-caanood iyo Magaalada Garowe caasimadda Maamul goboleedka Puntland. in badan ayey dadkeedu ku taamayeen in ay helaan adeegyada aas aasiga ah ee ay u baahan yihiin sida Caafimaadka, waxbarashada iwm.
Halbeegga soomaalida oo ahaa Qabiil waayadii u dambeysay Tukaraq waxaa lagu tirinayay in ay Puntland kamid tahay, balse dad badan oo u dhashay deegaankaas oo waxaa jira la dhacsan nidaamka Gooni-isu-taagga Soomaaliland sheegayna in ay kamid yihiin dhulkii horay loogu aqoon jiray British Somali Land ee la baxay Soomaaliland.
Dadka ku nool Tuulada inkastoo ay yihiin dad reer miyi ah oo ku tiirsan dhaqashada Xoolaha waxaa lasoo darsay colaad salka ku haysa is muujin labada maamul midba inta uu leeyahay cudud ay cid kale ku qabsan karto ama ay ku burburin karto hanti iyo xoolo dad kale, guud ahaan bulsha weynta soomaaliyeed ee ku kala nool gayiga soomaali dagto aad ayey uga xumaadeen colaadda la sheegay in ay halkaa ka dillaacday.
Tuka-raq dadkeedu waxay ku taamayaan “Intaan Dowladnimo doon lahaa Colaad miyaad igu shiddeen? Intaan Abaarihii ina dhaafay ka kabso lahayn miyaad Qax noogu yeerteen? Intaan Horumar ku hamin lahayn Dhaawac iyo Dhimasho kala saar miyaad igu waddaan”. Soomaaliland iyo Puntland labaduba midba midka kale wuxuu ku eedeeyay in uu leeyahay eedda Dagaalka ka curtay halkaa, koox walibana waxay ku andacoonaysaa in ay is difaac ku sugan tahay, xaalad adagna la galiyay.
Hayeeshee masaakiinta aan haysan Isbitaal ay kula cararaan Caruurta shubanku soo rito iyo waayeelka liita, ayaa maanta la door biday in lagu kor dagaallamo, dhaawacoodana loo qaado labada Caasimad ee Garowe iyo Hargeisa.
Tuka-raq waxaad moodaa in ay ku soo caan bixi rabto in ay tahay magaallo dagaal, taana waxaa ugu wacnaa labadii maalin ee u dambeysay warbaahintii ka hadashay waxay muuqaal ahaan u soo qaateen sawirro muujinaya xaalad dagaal, waxayna u muuqataa magaalo aan shaqo ku laheen Nabadda, tusaale eeg Sawirka hoose.
Baaqa Soomaali oo dhan ka yimid wuxuu leeyahay “Colaadda Joojiya Puntland iyo Somaliland, Dagaal wiil iyo Gabar baa ku dhintee Wiil iyo Gabar kuma dhashaan, Birfaniinkii dalka ka dhacay intii ka badbaaday Tuuladii ay ku noolaayeen Balaayo yaan loogu yeerinn “.

W/Q: Iman Mohamed Jimale
http://imanjimale.blogspot.com/
https://twitter.com/EmanJimale
https://www.facebook.com/Imanjimale

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid