C/Weli Gaas oo wada qorshe hadii uu ku dhaqaaqo keeni kara dhibaatooyin

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Puntland C/weli Gaas uu wado qorsho uu ku kordhisanaayo mudada uu sii heyn doono xilka maamulka.

Hogaamiyaha oo kulamo kala duwan la qaadanaaya Odayaasha beelaha ayaa kala hadlay suuragalnimada in muddo kororsi uu ku sameeyo xilka uu ka hayo maamulka.

C/weli Gaas, oo xilka uu uga harsan yahay muddo sanad iyo maalmo ayaa qorsheynaaya inuu kusii darsado laba sano oo dheeri ah.

Odayaasha beelaha qaar ayaa la sheegay inay soo dhaweeyen qorshaha uu Gaas ku kororsanaayo xilkiisa, wallow beelo iyo Siyaasiyiin u muuqda mucaarad ay ka biya diidan yihiin in Gaas uu laba sano dheeri ah ku darsado xilka heerka gabagabo maraaya.

Siyaasiyiin dooneysa inay ka qeybqaatan doorashada Puntland ayaa iyaguna aad uga soo horjeeda qorshaha C/weli Gaas, waxaana magaalada Garoowe ka socda shirar looga hortagaayo wakhti kororsiga Gaas.

Dadka shacabka qaarkood ayaa taageersan in C/weli Gaas uu muddo kororsi ku sameeyo xiliga maamulka, halka qaarna ay aad uga soo horjeedan in wakhti ku darsado xiliga lagu ballamay.

Ma cadda sida uu ku hirgali doono damaca xil kororsi ee Hogaamiye C/weli Gaas, inkastoo ay socdaan ololooyin lagu hirgalinaayo qorshaha Hogaamiyaha, waxaana suuragal ah inay ka dhashaan dhibaatooyin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com