Video: Faroole oo shaaciyey cidda ka dambeysa collaadda Sool – Somaliland kaliya maaha

Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, oo warbaahinta kula hadlayay magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, ayaa ka hadlay colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamo katirsan maamullada Puntland iyo Somaliland.

Farole, ayaa shirkiisa jaraa’id ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay xuduuda ay wadaagaan gobollada Sool iyo Nugal, gaar ahaan deegaankaas oo Qabsashadii Laascaano kadib Kastam u ahayd xukuumadda
Puntland.

Senatorka, ayaa cambaareeyay tallaabada Somaliland ku qabsatay deegaankaas iyo xilliga lagusoo beegay oo ahaa waqti Madaxweynaha Soomaaliya uu boogasho ku joogay magaalada Garoowe.

“Waxaa aad iila xun oo aan Cambaaraynayaa dullaankii 08dii bishan ciidamada Somaliland ku qabsadeen deegaanka Tukaraq iyadoo Garoowe ay ka jirtay xaflad iyo dabaal dag oo garoonkii Diyaaradaha xariga laga jarayay kaasoo ah mashruuc qiimo leh, Madaxweynihii Soomaaliyana uu joogo oo lagusoo dhaweeyay isagoo ah Madaxweynaha sharciga ah oo Soomaaliya oo dhan loo aqoonsanyahay.” sidaas waxaa yiri Farole oo hadalkiisa ku sii daray, “Duullaankaas waxaan maqlay in loo qaatay Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya halkan ku yimid iyo tii Wasiir Jamaal oo tagay gobolka Sanaag gaar ahaan wadada Ceel-Daahir iyo Baran oo ah wado lagu dhisay Qaaraanka Shacabka, waxaana qabaa taas inaysan ahayn arrin xiisaddan dhalin karta.”

Senator Farole, ayaa sidoo kale eedayn u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax, oo uu sheegay inay warbaahinta mariyeen warar aan u cuntamin xiisadda ka taagan gobolka Sool. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in labadaas hogaamiye ku fashilmeen wax ka qabashada deegaanada ay kasoo jeedaan.

Farole, ayaa Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,  ugu baaqay inuu qaato baaqa beesha Caalamka gaarka kan uu sido wakiilka Qaramada Midoobay oo maanta tagay Hargaysa islamarkaana ciidamadiisa kala baxo deegaanka Tukaraq.

Cabdiraxmaan Farole, mar uu ka hadlayay hadallo warbaahinta ay mariyeen Guddoomiye Baashe iyo Cabdiwali Gaas, wuxuu yiri, “Labada hadal ay ku hadleen oo xanafta leh Cabdiwali iyo Baashe oo ka dambeeyay, Cabdiwali waxuu leeyahay Argagixisaan la dagaallamayaa oo Somaliland baa taageeraysa, Cabdiwali horayna ulama diririn Argagixiso hadana la dagaallami maayo dibna uma diri doono, waxaan tusaale idiin ku filan bishii March 2016-kii markii ciidamo aad u hubaysan ay kasoo dageen Eyl, Godob-jiiraan iyo Garac, wuxuu Holiday ku joogay Maraykanka, waa lala hadlay oo loo sheegay inuu yimaado ma uusan imaan. Dagaalkii markii la galay oo shacab iyo ciidamo wixii joogay la isu aruuriyay oo laga guulaystay, maxaabiistii wixii Garac la isugu geeyay ayuu inta Diyaarad kasoo qaatay Addis Ababa isku sawiray. Marka waaba nin istus tus ku noole hadalkiisa wax loo qaadan karo maba ah. Waan ka xumahay inaan hadalkaas iraahdo waayo Somaliland waligayo kumaanan eedayn inay Argagixiso taageerto.”

Wuxuu xusay in Cabdiwali mudadii uu halkan joogay uusan waxba qaban islamarkaana aysan jirin wax uu hadda loollan kale oo doorasho ku gali karo, isagoo ka digay in shacabka mudada dheer ku noolaa nabada uu galiyo fidno iyo colaad.

Faroole oo sii hadlaya, ayaa sidoo kale yiri, “Baashe iyo Cabdiwali hadalkoodu haduu wax tarayo Cagaarre nabad haka dhigeen, yaysan u habar wacan in colaad laga huriyo meelo nabdoon.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in qorshaha Cabdiwali Wado ee uu ugu yeeray “Habar Wac Qabiil” aysan cidna ka yeeli doonin, isagoo xusay in shacabka labada dhinac aysan marnaba diyaar u ahayn dagaal oo ay yihiin dad ehel ah.

Farole ayaa soo jeediyay in nabadda laga shaqeeyo oo la joojiyo hadallada xanafta leh ee hawada la isu marinayo, nabadana laga shaqeeyo.