Madexweyne Farmaajo oo Doobbo Dillaacsaday

Marki uu billaabay inuu fagaarayaal dadka kala hadlo, Farmaajo wuxuu jeedin jiray hadallo loo riyaaqo. Jeceylka loo qabay hadalladiisa inta badan waxaa hagi jiray, hanki isaga loo qabay. Muddadi koobnayd ee uu raysulwasaaraha ahaa intii uu qabtay iyo qaabki foosha xumaa ee shaqada looga qaaday ayaa u kasbay taageerayaal badan.

Inta badan ummadda soomaaliyeed ayaa u arkayay inuu yahay ninka kaliya ee samata bixin karo dalka. Taasi waxay keentay in qudbo walba oo uu jeediyo aad loola dhaco iyadoo laga eegayo nuxurka hadalka xambaarsan yahay iyo qalbiga uu kasoo baxayo, balse aan la eegin qaabka uu yiri iyo sida uu isugu toosan yahay.

Marki uu Eebe ku guuleeyay jagada dalka ugu sarrayso, dadku waxay dhowrayeen hadallo qurux badan oo dadka u kasbo kana tiro walaaca ay qabaan. Taas badalkeedi, waxaa dhacaysay in qudbooyinkiisa badankoodu hub u noqdeen mucaaradkiisa shacabku diidan yihiin.

Dad badan ayaa is waydiiyay, maxa ka qaldan. Laakiin waxaa loo batay in Farmaajo uusan hadal aqoon ahayn, tayada hoggaamin iyo haybada qalbi-dafka leh ee ilaahay siiyayna aan loogu darin cod-karnimo.

Laakiin qudbadii uu 9/1/2018 ka jeediyay jaamacadda Bariga Afrika ee Garawe, wuxuu soo bandhigay hadallo cajiib ah, nidaamsan, macno weyn leh ujeeddana abbaaray. Waxay ahayd qudbo ka duwan kuwii looga bartay, inkastoo hadalladiisu ay ahaayeen kuwii hore wax cusubna uusan sheegin.

Qudbadaan ayuu madaxweynuhu kaga hadlay waxa uu rabo inuu qabto inta uu xilka hayo iyo sida lagu gaari karo dowlad awood leh. Wuxuu isagoo cidna magacaabin u dhammeeyay madaxda muumul goboleedyada oo Cabdiwali Cali Gaas oo markaas garab taagnaa guddoomiye u yahay.

Tusaale, marki uu tilmaamayay sida loola macaamilayo dowladaha kale waxaa uu yiri “haddaan isku duubannahay oo aan midaysannahay si wanaagsan oo siman ayaa ula macaamili karnaa dowladaha kale. Laakiin, haddii gadaal lagaaga soo jiiroonayo oo dadkaadi la qaybinayo oo laga shaqaysanayo, ninki madaxda ahaa ama shacabki aysan la socon dowladdooda, wixii la rabaa laguu sheegi”.

Hadaalkaan ayaa ah mid mug weyn si toos ahna u caddeeyay dhibka ay madaxda maamullada ee dalalka kale la macaamiliyo ku hayaan karaamada dowladnimo. Hadalkaan ayaa sidoo kale farriin u diray dowladaha faraha kula jiro arrimaha soomaalida, waxaa uuna madaxweynuhu u sheegay inay ogyihiin kana yeelayn inay hoos isu dhigaan.

Qudbada madaxweynaha ayaa isugu jirtay, waano, wacdi, dhiiri galin, iyo caddayn waxa uu rabo iyo waxa uusan yeelayn. Waxaa uu sheegay inuusan marnaba is dhiibayn hoosna isu dhigayn. Waxaa uu yiri isagoo na tusayo inuusan marnaba ka leexanayn waxa uu aaminsan yahay, marki aad ka yaabto sida wax u socdaan iyo dhibka laguu abuurayo “waxaa lagu dhihi dadkaan dowladnimo ma rabaane dantaada ilaasho, taasna marnaba yeeli mahayo”. Hadalkaan ayaan hubaa in lagu yiri waayo anaaba la igu dhahaa muu dantiisa ilaashado dadkaan daacadnimo ma rabaane.

Sababta keentay isbadalkaan ayaa la iswaydiinayaa siyaabo badan ayaana loo turjumay. Anuguse waxay ila tahay waxaa sabab u ah inuu laxow baxay lana qabsaday xafiiska. Haddii aad xasuusataan, wuxuu qudbayn jiray isagoo wadan wax waraaq ah. Balse shalay iyo maanta oo uu Qardho joogayba (maalmo kale waa jireen oo uu waraaq haystay sida maalintii uu tababarka u xiray ciimada ku jiro xerada Turkiga) warqad ayay wax ugu qornaayeen. Waxay u muuqataa inuu shaqaaleeyay dad xirfad u leh qoridda qudbooyinka taasoo ah tallaabo wanaagsan hadduu sameeyay.

Waxaa kaloo dhici karto inay keentay, madasha uu ka hadlayay iyo cidda uu la hadlayay oo ahayd jaamacad uu kula hadlay arday. Farmaajo ayaa ahaan jiray macalin Kulleejo sidaa darteed waxaa dhici karto inuu dhiirranaan ka helay hor istaagga arday la mid ah kuwii uu wax u dhigi jiray.

Warki oo jumlo ah, shalay maalin weyn ayay u ahayd madaxweynaha iyo taageerayaashiisa, waxayna shimbir roob ku da’ay u ahayd kooxaha mucaaradka ku ah ee sugayay inay fursad ka helaan hadalkiisa sidii dhici jirtayba.

W/Q: Ibrahim Aden Shire
Ishire86@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid