Booliska DF oo billaabay qorshe looga hortagayo dhaca ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan howlgallada ay haatan wadaan ciidamada ammaanka.

Cabdifitaax ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay baadi goobayaan illaa 7 mooto iyo kooxihii watay oo uu sheegay inay dhac ka geysteen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay inay ku daba jiraan ciidamada, kadib cabasho ka timid shacabka.

“Illaa iyo hadda waxaa baafin ku jira illaa 7 Mooto, taar-gooyinkooda ayaa Booliska baafinta ugu jira oo raad-koodiibaa lagu daba jiraa,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa xusay in tallaabadan ay ku doonayaan in looga hortago dhaca baahsan ee haatan ka socda degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan ay wanaagsan tahay wada-shaqeynta Bulshada iyo Booliiska, isla-markaana uu u mahadceliyo reer Muqdisho.

“Wada shaqeynta Booliska Soomaaliyeed iyo shacabka gobolka Banaadir hadda sidii la rabay ayey hadda mareysaa oo bulshada waan boggaadineynaa,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka Boolis ahaa ay ka go’an tahay in sare loo qaado sugidda ammaanka, si looga hortago falal liddi ku ah nabad-gelyada caasimada.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka shacabka ah.

Si kastaba, caasimada ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii