Dagaalyahanada Al-Shabaab oo qabsaday Ceel-dheere

Ceel-dheere (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Ceel-dhee ee gobolka Galguguud oo Dhuusamreeb u jira 30 KM, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan iyo dadka deegaanka.

Al-Shabaab ayaa deegaanka kula wareegay dagaal la’aan, sida uu xaqiijiyey mid ka mid ah dadka deegaanka. 

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka, islamarkana ay bur-buriyeen xarumihii maamulka iyo ciidanka ee ku yaalay Ceel-dheere, kadib markii ay qarax ku xireen.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo horey qabsaday deegaankan kadibna baxay, waxaana ugu dambeysay horaantii sanadkan oo ay deegaanka kula wareegeen dagaal ay la galeen ciidamada dowladda.

Sidoo kale, 14-kii November 2020 ayay ahayd markii maleeshiyada Al-Shabaab ay bilaa dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Ceeldheere, inkastoo saacado ka dib ay dib uga baxeen.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale Isniintii qabsatay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, inkasta oo markii dambe ay dib uga baxeen.

Hujuumka Shabaabka ee gobollada dhexe waxay ku soo aadaysaa, iyadoo uu meesha ka baxay Maamulkii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, oo dagaal adag kula jiray deegaano bandanna ka saaray.

Ahlu Sunna ayaa muddadii laba iyo tobanka sano ee Gobolada Dhexe ka hawlgaleysay waxay ku guuleysatay in dhulkii ay maamuleysay ka dhigto mid ka caagan weerarada Al-Shabaab.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii