Booliska Galmudug oo hubka dhigay iyo amniga Cadaado oo halis ku jira

Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Taliska Ciidamada Booliska Galmudug, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin.

Ciidamada ku dhaqaaqay shaqo joojinta ayaa la sheegay inaysan qaadan wax xuquuq ah, tan iyo markii la yagleelay maamulka.

Cumar Macalin oo ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado ayaa sheegay in ciidamada ay diideen inay sii wadaan howsha, waxa uuna cadeeyay inay dhigeen qoryaha.

Waxa uu sheegay in cabsida ugu badan ay tahay inay baxsadaan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada Cadaado, maadaama ciidamadii ka howlgali jiray Xabsiyada ay faarujiyeen.

Sidoo kale, waxa uu Taliye xigeenka sheegay in suggitaanka Amniga ay joojiyeen ciidamada Booliska , islamarkaana Madaxda dowladda Soomaaliya ay dayaceen ciidamada booliska Magaalada Cadaado.

”Amniga magaalada Cadaado waxa uu ku jiraa halis waayo ciidamada Booliska ayaa inta badan ka howlgali jiray goobaha mashquulka badan iyo xaafadaha, haddii ay hubka dhigeen waxaa suuragal ah inuu dhaco qalqal amni”

Geesta kale, Waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay si deg deg ah ay u bixiyaan Mushaarka ciidamada Booliska Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com