Muxuu Gaas ka yiri Isku shaandheynta uu ku sameynayo xukuumadiisa?

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Isku shaandheyn la filaay in dhawaan lagu sameeyo xukuumadiisa.

Gaas ayaa sheegay inay ka go’an tahay in leysku shaandheeyo Xukuumada waxa uusa sheegay in isku shaandheyntaasi ay tahay mid uusan cayimikarin xiligeeda.

Waxa uu sheegay in Isbedelka uu noqon doono mid soo jiita dhammaan shacabka Puntland isla markaana laga dareemi doono deegaanada maamulka.

”Wey dhaceysaa isku shaandheynta waxa ayna dhaceysaa xili ay ku haboon tahay insha allah”

Waxa uu tilmaamay in wararka Suuqa ay isla dhexmarayaan Bulshada aysan waxba ka jirin, tasoo ah in uu ku fashilmay hoggaaminta.

Sidoo kale, Gaas waxa uu cadeeyay in Puntland ay yeelan doono Xukuumad ka duwan kuwii hore waxa uuna tilmaamay in la tijaabin doono kuwa leys leeyahay wey ugu wanaagsan yihiin.

Dhinaca kale, Gaas ayaa tilmaamay in dhawaan lala xisaabti doono golaha Wasiirada maamulka Puntland oo lagu eedeeyay waxqabad xumo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com