Booliska Madagascar oo toogasho ku dilay 11 QOF

Antananarivo (Caasimada Online) –  Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay dalka Madagascar, ka dib markii ay ciidamada boolisku rasaas ku fureen dad doonayey in ciidamada boolisku ay u gacan geliyaan afar qof oo loo haystay inay afduubeen ilmo yar halka ay hooyadiina dileen.

Dadweyne gaadhaya 300 illaa 400 oo qof oo cadhaysan ayaa isugu soo baxay irida hore ee saldhiga, iyaga oo dalbanaya in la sii daayo afarta qof ee loo xidhay tuhunka, hase ahaatee ciidamada booliska ayaa diiday, iyaga oo dadweynihii ku riday sunta dadka kaga ilmaysiisa, si ay u kala eryaan, hase ahaatee arrintaasi xal may keenin, waxaana sii batay buuqii iyo rabshadihii taas oo horseedday in ciidamada boolisku ay rasaas adeegsadaan.

“Ciidamadu waxay sameeyeen tallaabo kasta oo suurogal ah, si looga fogaado inuu dhaco iska hor-imaad ama rabshado. Waxaa ciidamadu ay sameeyeen xayndaab ammaan ah oo ay tahay inaan dadweynuhu soo dhaafin, waxaanna u sheegnay dadweynaha in arrinta wadahadal lagu dhameeyo si looga hortago inuu dhiig daato” ayuu yidhi Gen. Andry Rakotondrazaka oo ah taliyaha ciidamada ammaanka.

Waxa uu sheegay in qaar badan oo ka mid ah dadkii goobta ku sugnaa inay wateen baangado waaweyn, mindiyo iyo ulo. Markii ay bilaabeen inay dhagxaan ku tuuraan ciidamada ammaanka, ayaa ciidamaduna ku jawaabeen inay rasaas ridaan.

Taliyaha ayaa sheegay in la baadhayo dhacdadan. Hase ahaatee ku xigeenka degmada uu dilku ka dhacay ee Ikongo, Jean Brunelle Razafintsiandraofa, ayaa mar Khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AP in uu u maleynayo in dibadbaxayaashu aysan hubeysneyn.

Madaxweynaha Madagascar Andry Rajoelina ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay inuu aad uga murugooday markii uu maqlay warka ku saabsan in dadka la dilay. Wuxuu codsaday in la dejiyo, wuxuuna caddeeyay in dhacdadaas la baadhi doono.

AP