Booliska Xamar oo soo qabtay nin loo haysto kiis culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay nin ku eedeysan dhac iyo dhaawac u geystay muwaadin Soomaaliyeed.

Ciidanka saldhigga Booliska Wada-jir ayaa ku guuleystay inay soo qabtaan eedeysanahan oo muwaadinka ka qaatay taleefan noociisu yahay iPhone, sida uu shaaciyay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

“Taariikh 21/06/2023 abaaro 21:00pm, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska wadajir ,ayaa gacanta kusoo dhigay edeeysan dhac iyo dhaawac u geystay muwaadin kana qaatay taleefan nociisu yahay iphone,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray taliska ciidanka Booliska.

Taliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in eedeysanahan gacanta lagu soo dhigay sida ugu dhaqsaha badan la horgeyn doono cadaaladda.

Booliska ayaa ugu dambeyntiina waxa uu shacabka reer Muqdisho ka dalbaday inay ku soo wargeliyaan haddii ay arkaan falal amni darro, “Muwaadin haddii aad aragto fal amniga liddi ku ah warbixin geey saldhigga kuugu dhow ama wac numberka gaaban ee 991.”

Ciidamada amaanka ayaa muddooyinkii dambe magaalada Muqdisho ka waday howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee caasimada, oo ayadu aad uga nasataya qaraxyada iyo falalka amni darro ee hore uga fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqda mid soo hagaagaya, kadib qorshaha cusub ee dowladda federaalka ay ku sugeyso amniga, iyada oo inta badan amniga caasimadda lagu wareejiyay ciidamo Boolis Milataaro ah oo lagu soo tababaray dalka Uganda, kuwaas oo howl-gallo ka wada degmooyinka gobolka Banaadir.