Booliska Muqdisho oo soo bandhigay rag hab cajib ah dadka ku dhacayey + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska saldhigga degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta ku soo dhigay rag ku eedeeysan burcadnimo, kuwaasi oo dhac ka geysanayay isla degmada gudaheeda.

Raggaan oo gaaraya illaa saddex ayaa waxay laba kamid ah ku kala hubeysnayeen toorriyo iyo bistoolado caag ah, halka midka kaena uu wade ka ahaa Mooto Bajaaj ay adeegsanayeen.

“Ciidanka Boliiska deegaanka Daarusalaam ayaa gacanta ku soo dhigay seddex kamid ah Burcadda Hubaysan kuwaaas oo dhac ka geysanaayay isla Degmada Dhexdeeda,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

Saraakiisha ciidanka Booliska degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in raggan sharciga la hor geyn doono, lana marin doono wixii ay ka helaan sharciga hortiisa.

“Sharciga ayaa la hor geenayaa waxa ayna kamid noqonayaan Burcada hubaysan ee horay Ciidanku Booliska usoo qabteen.”

Booliska ayaa isla maanta soo bandhigay laba eedeysane oo kale oo dhac ka geysanayay deegaanka Garasbaaleey, kuwaasi oo gacanta kusoo dhigeen ciidanka Booliska ee deegaankaasi.

Labada nin ee lasoo qabtay ayaa waxa uu mid kamid ah ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan GorGor, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir.

“Eedeysanaaya ayaa mid kamid ah ku hubeysnaay Bistoolad waxa uuna sheegay in uu ka Tirsan yahay C.X.D, gaar ahaan GorGor, halka midka kale uu yahay wade moota Bajaaj ay adeegsanaayeen.”

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ka jawaabaya cabasho kaga timid qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan qaar ka mid ah burcaddii dhibaateyn jirtay bulshada.