Muxuu yahay ujeedka wafdiga uu Abiy usoo diray Muqdisho? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya Aadan Faarax.

Hoggaamiyaha xisbiga Barwaaqo waxaa kulankaas ku wehliyey wasiiru dowlaha arrimaha dibada dalka Itoobiya iyo danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mukhtaar Waare.

Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga talada dalka Itoobiya haya ee Barwaaqo Aadan Faarax ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe soo gaarsiiyay fariin uu kaga siday Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali ahna Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqo.

Masuuliyiintaan ka socotay dowladda Itoobiya ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay sida ay Itoobiya u dooneyso xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya shacabka iyo labada dowladood.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxumuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka ee BFS ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen Soomaaliya, isagoo warbixin ka siiyay xalada guud ee dalka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnahaas la wadaagay waxyaabihii u qabsoomay Golaha Shacabka iyo shuruucdii uu ansixiyay goluhu mudadii ay joogeen.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay iskaashiga dowladda Itoobiya kala dhaxeeya Soomaliya ee dhanka amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada ah oo Soomaaliya ay si weyn u dooneyso in la dagaalankooda lagu garabsiiyo.