‘Sida kaliya ee Soomaaliya ula fal-gali karto adduunka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Soomaaliya ay adduunka intiisa kale ku gaari karto dowlad-dhiska oo la xoojiyo, gaar ahaan sharci usameynta hay’addaha dalka.

Mudane Saalax ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay aduunka la fal-geli karto haddii ay saxmaan nidaamkeeda maaliyeed oo leg sharciyad adag oo sugan, xilli dhawaan sharciyo la xiriira arrintaas la meel-mariyay.

“Ma nihin dad ku noolaan karo mugdi, halka uu adduun weynaha ku nool yahay ilayska. Ma ahaan karno dad yiraahda dadkayaga ID u sameyn mayno, bankiyadeenuna sharci yeelna maayan oo dhakhaatiirtayadana sharci yeelan maayan, adduun weynaha waa la fal-galeyna, sida Karoonaha la iskaga ilaaliyo ayaa la iskaga keen ilaalinaya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay bankiyada dalka sida ay ugu dhiiradeen in dal shuruuc adag oo ilaalisa aan laheyn ay ku shaqeeyaan oo dhaqaale badan galiyaan.

“Waxaa farxad ah maanta 2010-kii maanta halkan maynu joogin, maanta halkan ayaa fadhina oo wax soo saar iyo wax-qabsi ayaa ka hadleyna. Meel aan shuruuc ka jirin in aad bankiyo furtaan waa rag ka rooni oo daruufta aad ku shaqeysan waa ogtihiin.”

Mudane Saalax ayaa waxa kale oo uu dul istaagay in xoogga la saaro wax soo saarka dalka, hanaanka maaliyadeed ee dalka, si ay Soomaaliya u hesho fursado caalami ah iyo sumcad intaba.

“Dowladnimada Soomaaliyeed waxaa lagu dul dhisaya kartida, karaamada, dadaalka Soomaaliyeed iyo shirkada Soomaaliyeed iyo Bankiga Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo ka qeyb-galay munaasabad ay soo agaasimeen bankiyada dalka oo ka qabsoomtay Muqdisho.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qabta in sharciyada cusub ee ay sameeynayso ay yihiin kuwo ilaalinaya danaha guud ee dalka, sidaas darteedna ay muhiim u yihiin dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka daawo