Booliska Muqdisho oo toogtay Al-Shabaab ku guda jiray…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa howl-gal ay ka sameeynayeen deegaanka Garasbaaley ku toogtay Shabaab doonayay inuu aaso miino, sida uu shaaciyay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa waxa uu talisku sheegay inuu miinada ku aasayay hareeraha laamiga deegaanka Garasbaaley, halkaasi oo ciidanka taliska qaybta guud ee Booliska gobolka ay ka sameeynayeen howl-galo lagu xaqiijinayo amniga.

Booliska ayaa sheegay in ninkaan uu sameeyay iska caabin, taasi oo keentay in la toogto, uuna halkaasi ku dhinto, sida lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.

Maalmo ka hor unbay aheyd markii uu Booliska soo bandhigay nin dhalinyaro ah oo gacanta kusoo dhigeen, xilli uu miino ku dhejinayay gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska.

Ninkan ayuu Booliska la xiriiriyay kooxda Al-Shabaab. Gaariga ayaa qarxay, ka hor inta aanay ciidamada miino baarista ka hawlgelin.

Habeen kahor ayaa sidoo kale waxa uu taliska sheegay in nin kale oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay miino kula qaraxday deegaanka Daarusalaam ee duleedka magaalada Muqdisho, xilli uu ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

“Cid wax ku noqotay qaraxaasi majirto, marka laga soo taggo in ay la qaraxday ninkii ku howlanaa. Ciidanka Booliska waxa ay ku howlan yihiin baaritaanka cidda u soo dhiibtay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Muqdisho ayaa toddobaadyadii dhowaa aad uga nasataya qaraxyada kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira amniga oo la adkeeyey iyo kooxda Al-Shabaab oo gobollo badan dagaal looga furay.