Somaliland oo taageero u raadinaysa qorshaha dagaal ee Laascaanood + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa billowday inay taageero gudaha ah u raadiso qorshaheeda dagaal ee magaalada Laascaanood, kadib markii ay dhawaan ku dhawaaqday inay magaalada dib ugu soo celin doonto gacanteeda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta kulan la qaatay tobanka urur siyaasadeed ee usoo baxay tartanka xisbiyda Somaliland.

Kulankaan ayaa waxaa ujeedadiisa lagu sheegay xog-waran iyo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrinta Laascaanood, oo in ka badan laba bil uu ka taagan yahay dagaal u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa ugu horeyntii warbixin dheer ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda Laascaanood.

Tobanka Urur Siyaasadeed ayaa oo kala ah Urur siyaasadeedka Horsed, Kaah, Ogaal, Rejo, Talo-wadaag, Mideeye, Waaberi, Urur Barwaaqo, Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa dhankooda madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay usoo jeediyay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood.

Sidoo kale waxay tilmaameen inay difaaca Somaliland ku barbar taagan yihiin dowladda, islamarkaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka laascaanood oo ay kala qayb-qaadanayaan xukuumadda.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ugu dambeyntiina wuxuu uga mahad-celiyey madaxda Ururada Siyaasadda sida ay u barbar istaageen xukuumadooda iyo dadkooda, isaga oo soo dhaweeyay tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay dhawaan xukuumadda Somaliland ay sheegtay in ciidankeedu ay dib u riixeen xooggaga kasoo horjeeda, ayna dhawaan dib usoo celin doonaan magaalada Laascaanood, oo hadda ku sugan yihiin Isimida SSC iyo ciidamo taabacsan.

Dagaalka Laascaanood ayaa socda bishii labaad oo xiriir ah, waxaana ka dhashay khasaare kala oo isugu jira dhimashada boqolaal qof, dhaawac in ka badan kun qof iyo barakac horleh oo ay sameeyeen dadka deegaanka.

Si kastaba Waxa aan weli guuleysan dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Laascaanood oo ay soo fara-geliyeen qaar kamid ah dowladaha dariska, balse laguma guuleysan kadib markii ay shuruudo horleh ku xireen labada dhinac ee isku haya halkaasi.