Dagaal culus oo Al-Shabaab ku dhex-maray Ceeldheer

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhex-maray dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkan ayaa si gaar ah waxa uu xubnaha Shabaab-ka ku dhex-maray deegaanka Bidde Ciise oo hoostago degmada Ceeldheer, waxaana la sheegaya inuu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

Sida ay baahisay warbaahinta dowladda waxaa sii kordhay khasaaraha dagaal-yahaanada iyo horjoogayaasha ka tirsan kooxda, kaasi oo gaaray illaa 20 ruux.

Sidoo kale waxaa dagaalkaasi dhex-maray xubnaha kooxda ka dhashay dhaawac gaaraya illaa 40, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysay illo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in horjoogayaasha kooxda ay amartay in dhaawacyada la dhameystiro, si aan waqti dheeraad ah loogu lumin, xilli uu qeybo kamid ah dalka ka billowday wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Go’aanka ay qaateen horjoogayaasha kooxda ee lagu dhameystirayo dagaal-yahaanada ku dhaawacmay dagaalkan dhex-maray isla kooxda Al-Shabaab ayaa sii kordhineysa tirada dhimashada oo hadda la xaqiijiyay inay mareyso illaa 20 ruux.

Dhawaan ayay aheyd markii uu degmada Jilib uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaal-yahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaas ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda ay weerareen guriga horjooge sare oo ka tirsan ajaanibta ka barbar dagaalanta kooxda, kaasi oo lagu magacaabo Jaabir, oo kamid ah horjoogayaasha ajaanibta ah ee saameynta ku leh kooxda Al-Shabaab.

Kadib weerarka waxaa halkaasi uu dagaal toos ah ku dhexmaray maleeshiyaadkii weerarka qaaday iyo kuwa ku sugna guriga horjoogaha Kenyanka ah, kaasi oo inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen shan xubnood, halka ay ku dhaawacmeen siddeed kale oo uu ku jiro horjoogaha ajnabiga ah ee gurigiisa la weeraray.

Si kastaba, Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxaa sii xoogeystay isqaarijinta iyo kala-shakiga kooxda, iyada oo kooxda ay gulufka ka dhanka ah ku lumisay deegaano badan iyo dhaqaale ay heli jirtay, inkasta oo weli ay mararka qaar qaado weeraro rogaal celin ah.