Khasaare ka dhashay weerar madaafiic ah oo Al-Shabaab ay ku qaadeen Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa salaadii maqrib kadib tiro hoobiyeyaal ah ku garaacday qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan gudaha iyo hareeraha Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu yaraan shan hoobiye oo Al-Shabaab ay soo rideen ayaa intii la af-furayey ku dhacday qeybo ka mid ah degmada Wartanabadda oo Villa Somalila ay ku taallo iyo degmada Boondheere.

Inta la xaqiijiyey labo ka mid ah ilaalada wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirasaaq Cumar Maxamed ayaa la sheegay inay ku dhinteen hoobiye ku dhacay guriga wasiirka oo ku dhex yaalla Villa Somalia.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa la sheegay inuu ka badbaaday hoobiyaha ku soo dhacay gurigiisa, waxayna ilo dhanka ammaanka ah Caasimada Online u xaqiijiyeen in waxa lagu garaacay aagga Madaxtooyada ay Hoobiye ahaayeen.

Kooxda Al-Shabaab oo war kooban soo saartay ayaa sheegatay in madaxtooyada Soomaaliya ay madaafiic ku garaaceen. balse ma shaacin khasaare ama bartilmaameed gaar ah.

Habeeno ka hor sidaan oo kale ayaa qeybo badan oo Muqdisho ka mid ah dhowr jug looga maqlay, balse markii dambe waxay hey’adaha ammaanku sheegeen in waxa dhacay ay ahaayeen dheemish lagu qalqal gelinayey bulshada.

Al-Shabaab ayaa inta badan Muqdisho, gaar ahaan aagga Madaxtooyada ka geysta weerarro ay u adeegsadaan qoriga hoobiyaha, kaas oo inta badan ay ku dhibaateeyaan dad shacab ah, maadaama ay iska ridaan oo wax bartilmaameed ah aysan laheyn.

Weerarkaan caawa ka dhacay Muqdisho wuxuu ku soo aadayaa xilli ay dowladdu ku howlan tahay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho, iyadoo galabta ay xukuumadda ka soo baxeen amarro uu horay u shaaciyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Amarradaas ayaa lagu xakameynayaa hubka culus ee lagu dhex qaato caasimadda, si loo dhimo fursadda ay Al-Shabaab u heli karaan inay hub culus gudaha caasimadda weerar uga geystaan.