Daawo: Xukuumadda oo soo saartay ‘qaraar’ xasaasi ah oo 15 qodob ka kooban

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay xeer ka kooban 15 qodob oo lagu xakameynayo hubka culus ee lagu dhex qaato magaalada Muqdisho iyo ka ganacsiga agabka ciidamada.

Wasiiru dowlaha amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta ayaa saxaafadda u akhriyey xeerka cusub ee ‘xakameynta hubka caasimadda.’

“Ujeedada laga leeyahay xeerkaan waa in la is waafajiyo xaqa dastuuriga ah ee bulshada caasimadda ay u leedahay inay helaan xasilooni iyo nabad,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay wasiir Xagaa.

Qodobka koowaad ee xeerkaan waxaa lagu mamnuucay in magaalada Muqdisho lagu wato gaadiid uu saaran yahay hubka culus, sida qoryaha RBG, BKM, Dhashiike iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale waxaa la mamnuucay in cid aan dowladda aheyni ay dalka keento hub ama gaadiid ciidan, sida Cabdibilaha iyo dharka ciidanka.

“Gaadiidka iyo hubka la mamnuucay waxaa magaalada Muqdisho ku dhex adeegsan kara ciidan howlgal idman ku jira,” ayuu dhigayaa qodobka 3-aad ee xeerkaan.

Dowladda Soomaaliya waxay cadeysay in cidii jebisa xeerkaan ee u hoggaansami weysay lagala wareegayo gaadiidka ama hubka, isla markaana ay noqonayaan hanti dowladeed.

Qodobka 5-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in diiwaan gelinta iyo bixinta qursadda hubka lagu dhex qaadanayo caasimadda ay bixineyso wasaaradda amniga.

“Waxaa reeban in cid aan ka tirsaneyn ciidamada amniga ay Muqdisho ku dhex wadato hub aan ruqsad laheyn, ciidamada ilaalada ee ruqsadda heysta waa inay wataan labiska ciidanka ay ka tirsan yihiin, markii ay shaqada ku jiraan,” ayaa lagu yiri qodobka 7-aad.

Masuuliyiinta dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada ayuu xeerkaan farayaa inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidamada sugaya amniga caasimadda Muqdisho.

Qodobka 9-aad ee xeerkaan ayaa dhigaya in la diiwaan geliyo dhamaan hubka lagu dhex heysto caasimadda Muqdisho, sida qoryaha fudud ee AK47 iyo bistooladaha.

“Cid kasta oo jebisa qodobada xeerkaan waxaan lala tiigsanayaa xeerka ciwaabta ciidamada” ayaa lagu yiri qodobka 14-aad ee xeerkaan oo dhaqan galay 6-dii bishaan, markaas oo ay ansixiyeen golaha wasiirrada, sida uu wasiir Xagaa ku shaaciyey shirkaan jaraa’id.

Hoos ka daawo